Ciidamo la wareegay xarunta wasaarada kalluumeysiga Puntland

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta ay ku leedahay magaalada dekedda ah ee Boosaaso.

Ciidanka oo ka cabanaya in aysan helin mushaaraadkooda ayaa waxa ay diideen in la galo ama laga soo baxo xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga.

Xarunta Wasaaradda, waxa haatan ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, kuwaas oo ciidanku diideen in ay ka baxaan Xarunta.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo maanta magaalada Garowe lagu wado inuu ku soo laabto madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo toddobaadyadii la soo dhaafay safar dibadda ah ku maqnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More