Ciidamo Soomaali ah oo 16 sano kadib beri la wareegaya amniga Madaxtooyada

Dec 16 (Jowhar.com)- Ciidamada Booliska Madaxtooyada iyo kuwa gaarka ayaa maalinta berri si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Madaxtooyada Villa Somalia.

La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa xaqiijiyay arrintan, isagoo sheegay in ciidamadda ajaanibta ay baneynayaan sugida amniga aqalka dalka looga arrimiyo.

Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii Ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo Midka hadda ATMIS.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha amniga guud ee dalka loogu wareejiyo ciidamo Soomaali ah, iyagoo bedelaya kuwa ka socda dalalka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More