Ciidanka loo xil saaray daminta colaada Sh.dhexe oo uruuriyay hub laga qaaday dhinacyada dagaalamay

Nov 02 (Jowhar.com)- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah u diray Deegaano hoos yimaada Degmada Cadale, halkaas  oo ay dhawana ku dagaalameen dad walalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray Xaaji-Cali iyo Boos-hariiri. Haseyeeshee Ciidanka ayaa gaaray dhamaan Tuulooyinka iyo deegaamada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen.

Taliyaha Daraawiishta Boliiska, Sareeye Guuto. Cabdulahi Mire, oo horkacayay ciidankan ayaa goobo fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaanada lagu dagaalamay, amar cadna dul dhigay oo ah in aan la aqbalikarin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Intaa kadib howlgalo ay Ciidankunsameeyeen ayeey ku aruuriyeen hub laga qaaday qaar ka mid ah maleeshiyadii dagaalantay.

Xaalada goobahaas iyo dhamaan deegaanada ku hareereysan ayaa caadi ku soo laabtay, iyada oo lagu amray in dadku is dhex maraan, isna nabad galiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More