Puntland oo iska diiday baaqii xalay ka soo baxay qaar ka mid Isimada dhaqanka

Nov 02 (Jowhar.com)- Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay “Madaxweynaha iyo baarlamaanka” oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas “fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da Xubnood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More