Ciidanka RSF oo dhac u geystay guriga safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan

Jun. 12 (Jowhar.com)-Guriga safiirka Soomaalida u fadhiya magaalada Khartuum ayaa la bililiqeystay, iyada oo lagala baxay Gaadiidkii ay lahayd Safaaraddu, sida u sheegay safiirka oo cambaareeyay ficiladan oo uu ku tilmaamay in ay ka baxsan tahay xeerarka caalamiga ah ee diblumaasiyadda.

Amb. Maxamed Sheekh Isaaq ayaa sheegay in falkan ay ka danbeeyaan maleeshiyaadka RSF ee wadankaasi kula dagaalamaya ciidamada milatariga, isagoo ka dalbaday iney deg deg usoo celiyaan agabkaasi.

Waxa uu tilmaamay inuusan garaneynin sababta loo bartilmaameedsaday gurigiisa, xili dhawaan sidan oo kale loogu galay safaarada magaalada Khartuum.

Dhinacyada Suudaan ayaa hore u bililiqeystey safaaradda, sidoo kalena suuqyada ku daadiyey lacagta Soomaaliya oo hal kaasi lagu daabacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More