Ra’isul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlesconi oo geeriyooday

June. 12 (Jowhar.com)Ra’iisal wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi ayaa ku geeriyooday isbitaalka magaalada Milan ee San Raffaele isagoo lagu daweynayay isbitaalkaas.

Bishii April ee sanadkaan ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah kansarka oo aan la shaacin.

Ganacsadahan warbaahinta ee horumaray oo ahaa 86 sano jir ayaa markii u horrreysay qabtay xafiiska ugu sareeya Talyaaniga sannadkii 1994, wuxuuna soo hogaamiyey afar dawladood tan iyo sannadkii 2011.

Wuxuu hogaaminayay xisbiga midigta dhexe ee Forza kaas oo isbahaysi la galay raysal wasaare Giorgia Meloni ka dib doorashooyinkii sebtembar, amarkii loo doortay aqalka sare ee Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee afarta jeer ahaa ayaa marar badan kasoo muuqday maxkamad, waxaana la sheegay in uu ka soo muuqday 2,500 oo jeer 106 maxkamadood, muddo labaatan sano ah.

Eedeymaha lagu soo oogay ayaa waxaa ka mid ah wax isdaba marin, canshuur lunsi iyo xisaab celin been abuur ah iyo inuu isku dayay laaluush bixiyo.

Waxa uu inta badan ku eedayn jiray dacwad oogayaasha in ay ku raad joogaan siyaasad isaga ka dhan ah, isaga oo diidaya in uu khalad sameeyay.

Inkasta oo lagu soo oogay ama dhawr jeer lagu soo oogay, haddana waxa lagu xukumay musuqmaasuq cashuureed sannadkii 2013-kii – taas oo ka mamnuucday in uu qabto xafiis siyaasadeed muddo dhawr sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More