Ciidanka Somaliland oo isaga guuray inta badan aagagii dagaalka Laascaanood

Feb. 26 (Jowhar.com)-Ciidamada Somaliland ayaa isaga guuray xalay inta badan aagagii dagaalku ka socday 21 kii maalmood ee lasoo dhaafay ee magaalada Laascaanood,sida ay warinayaan dadka deegaanka.

Sida wararku tilmaamayaan, aagaga ay isaga baxeen ciidamada Somaliland waxaa kamid ah, guriga gobalka Sool halkaasi oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanku, ciidamadda deegaanka ayaa Aqalkaasi ka furay calanka Somaliland, sida laga arki karay muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay arrintan, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in talaabadaan ay noqon karto labo arimood midood:

1.Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2.In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Magaalada Laascaanood waxaa shalay ka dhacay dagaal kii ugu xoogganaa, iyadoo dagaalkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidanka Somaliland, waxaana looga qabsaday dhul balaaran iyo gaadiid dagaal oo aad u culus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More