Ciyaaryahanada xulka 17 jirada Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Oct. 17 (Jowhar.com) -Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1 ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya,Maamulka gobolka Banaadir, Bahda Ciyaaraha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Banaadir ayaa si ballaaran Garoonka Aadan-Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo kusoo guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Ciyaartooyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo katirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More