Cumar Cabdirashiid;”Waa in baaritaan rasmi ah lagu sameeyaa dilka Ikraan Tahliil”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid, isagoo intaas ku daray “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhuu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddii ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loonaa xilsaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon”

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, saacado kadib markii ay VOA shaacisay xogtan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More