Daahfurka buugga Diplomaasiyadda iyo Dunida oo uu qoray Danjire Cabdi Shire oo Muqdisho lagu qabtay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya CabdiSacid Muuse Cali ayaa ka qeyb galay daahfurkii buugga diblomaasiyada iyo dunida oo uu qoray danjire Cabdi Shirre Warsame oo ah rug cadaa ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyada iyo Sooyaalkii siyaasada kaas oo Wasaarada Arimaha Dibada ka soo shaqeynayay in ka badan 40 sano.

Munaasabada daahfurkaan buuggaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro, Senatoro, Xildhibaano, Diblomaasiyiin, aqoon yahano iyo bahda akhriska iyo qoraalka waxaana buugga si weyn loogu falanqeeyay macaamilka diblomaasiyada isaga oo ka mid noqonaya buugaagta afka Soomaaliga ku qoran ee dhif iyo naadirka ah kuwaas oo ka hadkaya arrimaha diblomaasiyada iyo habmaamuuskooda.

Aqoonyahanada iyo Masuuliyiinta goobjooga ahaa daahfurka buugga ayaa uga mahadceliyay qoraha in buugga ku qoran yahay luuqada Soomaaliga iyo in aqoontiisa iyo qibrada uu buulshada la wadaaggay.

Danjire Cabdi Shirre Warsame oo ah qoraha buuga ayaa sharaxaad ka bixyay fahamka uu buuggaan siinayo qofka aqristaha ah

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Cabdi Saciid Muuse ayaa sheegay in buuggaan muhiim u yahay dadka looga baahan yahay inay diblomaasiyada fahmaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More