Golaha wasiiradda XFS oo ansixiyey in laga laabto go’aan horay Ururka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso

Golaha Wasiirradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia. tallaabadaas oo goluhu isku u codeeyay in ay ahayd khalad.

Shirka golaha Wasiiradda waxaa shir gudddominayey ra’iisul waasaraaha XFS, mudane Maxamed Xuseen Rooble, golaha wasiiradda ayaana cod looga qaaday in dib looga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda ee Sanadkii 2017-ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More