Daahir Geelle “Dowladda taageerayaasheeda ayay Garsoorayaal nooga dhigtay”

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda aanay ku diidaneyn Guddiyada ay soo magacawday, balse ay ku diidan yihiin inay taageerayaasheedii inay Garsoorayaal uga dhigtay.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in shuruuda guddiyada la magacaabay ay aheyd in dadka tartamaya inay noqdaan qoorta labada garab u dhaxeysa, balse dadka la soo xushay ay yihiin kuwo aanay dhex dhexaad aheyn.

“Guddiga shuruudiisa waxay aheyd dadka tartamaya inay dhex dhexaad u noqon karaan dhamaan dadka tartamaya, oo ah inay noqdaan qoorta labada garab u dhaxeysa, balse waxay soo xushay dadkii ku asteysnaa inay taageerayaal u yihiin”ayuu yiri Dahir Geelle.

Musharax Daahir Geelle ayaa u soo jeediyay dowladda Federaalka inay bedesho guddiyada xubnaha ku jira oo ay keentaa dad dhex dhexaad ah.

“Anaga waxa aan fiirineyno gacanta lagu magacaabay ma ahan, waxaa fiirinayaa qofka la magacaabay qof shalay madaxweynaha u caytamayay, u colaadinayay oo dadka kale uga soo horjeeday”ayuu yiri.

Xukuumadda ayaa maalin ka hor xareysay Guddiyadii muranka ka taagnaa, waxaana la dejiyay Hotelka Decale, waxaana guddiyadan u bilowday tababaro la xiriira nidaamka doorashada iyo sidii loo dabaqi lahaa habraacyada heshiiskii siyaasadeed ee doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More