Ciidan ka tirsan AMISOM oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

Qarax miino ayaa saaka Ciidan ka tirsan AMISOM lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Isgoyska Fagax.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa miino lala eegtay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen Ciidamada AMISOM halka loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaalla wadada aada Xaafada Jamhuuriya.

Ciidanka AMISOM ayaa rasaas culus riday, marka qaraxa dhacay, waxaana rasaasta laga maqlayay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Rasaasta la maqlayay ayaa ahaa qoryaha Dhashiikaha iyo kuwa BKM, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay ciidanka ridayeen.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More