Daahir Geelle oo ku eedeeyay Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dib u dhaca doorashada

Musharax Daahir Geelle oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhaca ku yimid doorashada dalka.

Daahir Geelle ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada inay mas’uul ka yihiin dib u dhaca doorashada, wixii ka dhasha dib u dhacaas ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed mar walba ay isweeydiinayaan in dalka ay ka dhacayaan doorashooyin, balse nasiib darro ay tahay in aysan jirin cid Soomaali ah oo su’aashaas ka jawaabi karta.

Shirka jaraa’id ayuu sidoo kale Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay in hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka kajirta ay sababtay in aan la ogeyn xilliga ay dhacayaan doorashooyinka, taasi ay keeni karto xasilooni la’aan dalka ah, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in waqti kooban ku qabato doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More