Daahir Geelle;”Madaxweyne aan kuu maqnayn ee kugu maqan ayaa laga dhaxlay Farmaajo”

April 05 (Jowhar.com)- Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay fariintii xalay ay soo saareen Hay’ada Nabadsugida taasoo si weyn looga jawaab celiyay.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa ayuu ku bilaabay hadal si weyn uu ugu durayo Madaxweynaha muddo xilleedkiisa dhamaaday iyo hay’ada NISA.

Qoraalka Daahir Geelle ayaa u qornaa sidan;

“Madaxweyne aan kuu maqnayn ee kugu maqan iyo hay’ado nabadgelyo oo aan la isku ilaalinayn ee la iska ilaalinayo ayaa Mohamed Abdullahi Farmaajo laga dhaxlay!

Waxaa muuqata in hay’adaha amniga dowladda ay u xuubsiibteen hay’ado siyaasadeed oo xagga amniga ka soo jeestay. Waxa taa daliil ah in dhulka ay dowladda ka arrimiso uu maalinba maalinta ka danbaysa soo yaraanayay, dhanka kalana beegsiga, maagga iyo daandaansiga dadka Farmaajo ka aragtida duwan uu soo badanayay.

Waxaa in muddo ahba jiray:

1. In hay’adaha amniga ay ahaayeen hay’ado hal nin u adeegsan, inta kalana ka soo horjeeda, kuwaas oo aan kala baxsanaanta hay’adaha dowladda dhexdeeda ah u hoggaansaneen, waxaa tusaale noogu filan wixi lagu sameeyay Guddoomiyehi hore ee Golaha Shacabka, Ra’iisalwasaaraha hadda jooga iyo kii ka horreeyayba.

2. In hay’adaha ay ka soo dhex muuqdeen isbadalladi lagu samaynaayay maamullada dalka ka jiray, iyaga oo hal dhan u adeegaayay, hal ilna wax ku fiirinaayay.

Maantana, waxaa muuqata in kala aragti duwanaanshaha hay’adaha dowladda ka dhex jira aysan dhexdhexaad ka ahayn oo ay hal meel la safan yihiin. Sidaas daraaddeed, digniinta saaka NISA ka soo baxday waxa kaliya ee lagu fasiri karo waa in aysan digniin ahayn oo ay tahay daandaansi la rabo in lagu cabsi geliyo ama dhibaato lagu gaarsiiyo ra’iisalwasaaraha oo qaatay khad ka geddisan khadka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaatay.

Hay’ad amni meesha ugu hoosaysa ee ay gaarto waa in iyada iyo cadowga si isku mid ah looga cabsado. Hannaan siyaasadeed ee dal ka jirana meesha ugu hoosaysa ee uu gaaro waa in bulshadiisu ay ka aaminto in marka ay kala aragti duwanaasho timaado ay suuragal tahay in uu nidaamkaas dil geysto.

Waxay ila tahay in Soomaaliya ay labadaas arrinba maanta faraha ku haysato. Waa xelli mudan in laga guuro, oo si nabad ah iyo sanduuq doorasho looga guuro.

Waxaan rajo ka qabaa in uu caqliga ugu danbayn talin doono, oo ragga Villa Somalia jooga ay garawsan doonaan in uu isbaddal lama huraan yahay, oo ay ku macdahay in isbaddalka uu nabad ku yimaado, oo sida ay hadda ku riixayaan oo colaadda ah aysan iyagana dan ugu jirin, ummaddana dan ugu jirin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More