Shabaab oo ka jawaabtay qoraalkii NISA ee shirqoolka ka dhanka ah Farmaajo iyo Rooble

April 05 (Jowhar.com)-Al-Shabaab ayaa ka hadashay warka xalay ka soo baxay Nabad Sugida Soomaaliya oo ay ku sheegtay in kooxdaasi ay maleegeyso shirqool ay ku dileyso madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa lagu sheegay in sirdoonka Soomaaliya aysan awood u leheyn iney ogaato xogta kooxdaasi, sarkaal Shabaab ah oo la wareystay ayaa sheegay inuusan jirin sheegashada NISA, wuxuusa xaqiijiyay in mar kasta bartilmaameed ay u yihiin xubnaha dowladda.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waayeeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay.

Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen” ayuu yiri ssrkaal Shabaab ah.

Sarkaalkan Shabaabka ah oo magaciisa sababo amni darteed u qariyay ayaa dhinaca kale meesha ka saaray inuu jiro magaca sarkaal Shabaab ah oo la yiraahdo Maxamed Maahir, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyiinta dowladda ay iyagu dhexdooda is raadsanayaan.

“Hadalka kasoo yeeray sirdoonka wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sareysa dowladda, In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Jawaabta Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tuhunka ka dhashay qoraalka NISA oo siyaasiyiin badan ay ku macneeyeen hanjabaad toos ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More