Dad ku dhintay Waro ay ku dabaalanayeen

Illaa iyo shan carruur ah oo labo ka mid ah ay hablo yihiin oo rabay inay ku dabaashaan waro ku yaalla agagaaraha magaalada Garowe ayaa toddobaadyadii u dambeysay ku dhintay halkaas.

Booliiska magaalada Garowe waxay digniinno ka soo saareen khatarta ka dhalan karta dhulka biya qabatinka ah ee ay roobabku ka da’een ee ay dhalintu u dabaal tagaan, iyaga oo ceelasha qaarkood ciidan ilaaliya geeyay, si looga hortago khatarta ka iman karta.

Waaliddiinta ku nool magaalada Garowe ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xiriirta inay carruurtooda ay halis ku galaan waraha biyaha ay ka buuxaan.

Roobabka xilliga Guga ayaa si xoog leh uga da’ay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaana roobabkaasi ku dhintey dad faro badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More