Militariga Myanmar oo sheegay in maxkamad la soo taagayo Aung San Suu Kyi

Hoggaamiyaha militariga afganbiyay dowladda Myanmar General Min Aung Hlaing ayaa maanta sheegay in xaaladda caafimaad ee hogaamiyihi hore ee dalkaas Aung San Suu Kyi ay wanaagsantahay, isla markaana ay dhawaan kasoo muuqan doonto maxkamad.

Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Hlaing tan iyo markii uu inqilaabay xakuumaddii Aung San Suu Kyi 1-dii bishii February ayuu ku sheegay in Suu Kyi iyada oo caafimaad qabta ay ku sugantahay gurigeeda, maalmo kooban gudahoodna ay ku wajahi doonto maxkamad.

Wareysiga Hlaing ayaa Sabtida maanta ah laga sii daayay Telefishanka Phoenix oo ah TV laga leeyahay Shiinaha.

Afganbigi ka dhacay Myanmar ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah oo ka qeybgalay mudaaharaadyo looga soo horjeeday awoodda millatariga, waxaan hadda billowday weerarro ka dhan ah milatariga, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin qowmiyadaha dega waqooyi-galbeed ee dalkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More