Dad lagu afduubtay Beledweyne oo Xildhibaan Mahad Salaad baaq ka soo saaray

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay Maamulka Beledweyne inay ka hortagaan dhalinyarada la sheegayo inay bilaabeen dad inay ka qafaashaan magaalada Baladweyne kuwaasoo hayb la ah Taliyaha Nabad sugida.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Beledweyne in rag hubeysan ay ku afduubteen xaafada Hawlwadaag wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqafaar Xaaji Cumar.

Muuqaal muujinya afduubka dableeyda u geysteen wiilka dhalinyarada ah oo lasoo dhigay baraha bulshada ku xariirto ee Internetka ayaa waxaa ka dhex muuqday Cabdiqafaar Xaaji Cumar oo si hanjabaad leh loo weydiinayo su’aalo, kaaso sheegaya inuu kasoo jeedo qabiilka Reer Awxasan oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Hase yeeshee Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook waxa uu ugu baaqay maamulka Beledweyne inay ka hortagaan afduubka.

Qoraalka u soo dhigey bartiisa facebook Mahad Salaad ayaa waxaa uu u qornaa sidan;

“Liiska dilka Ikraan Tahliil wuxuu ku cadyahay Fahad Yaasiin, isaga ayaana loo ciqaabi doonaa inshaa’allaah. Waxa la ii sheegay inuu u cararay dalka Turkiga, halkaasna uu ku dhuumaalaysanayo laakiin lagama hari doono inshaa’allaah, ilaa maxkamad laga soo taagayo, lana marinayo ciqaab u dhiganta dambiga uu ka galay walaasheen Ikraan iyo qoyskeeda!.

Walaalaha reer Hiiraan gaar ahaan Beesha Gaaljecel waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan dhalinyarada la haybta ah ee la sheegayo in ay dad ka qafaalanayaan magaalada Baladweyne. Sababtoo ah dambigaan waxaa geystay qof ee qabiil ma galin. Isaga ayaana lagula xisaabtamayaa.

Ficillada nuucaan oo kale ah waxay naga marin habaabinayaan wadada aan ku socono ee Ikraan xaqeeda aan ku baadi goobeyno, sidoo kalena waxay naga sii jeedinaysaa indhaha shacabka Soomaaliyeed ee nala duuban si Ikraan cadaalad u hesho, dambiilihii ficilkaan foosha xun geystana gacanta lagu soo dhigayo!

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More