Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino duleedka Jowhar

Afar ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay kadib markii mooto bajaaj ay la socdeen ay la qaraxday miino duleedka magaalada Jowhar ee Gobalka shabeelaha dhexe.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa.magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere.

Lama oga cida lala damacsanaa qaraxan iyo sidoo kale kuwa fuliyay iyadoo Jowhar maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen doorashada Golaha shacabka.

Laamaha amniga Jowhar ayaan wali ka hadlin qaraxan kaa oo loo maleynayo iney ka dambeeyeen Al shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More