Dagaal culus oo Somaliland iyo SSC ku dhexmaray duleedka Laascaanood

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

Apr. 04 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu bariga magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dagaalka oo soo bilowday salaadii subax ee saaka kadib ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidanka Somaliland oo roondo sameynayay ay isku dheceen kuwa SSC, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo soo gaaray ilaa 08:00 subaxnimo.

Wararka ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay dagaalkan, iyadoo goob joogayaal ay sheegeen in SSC ay duulaankan ku qabsadeen gaari ciidan oo ay wateen kuwa Somaliland.

Majiro wax hadal ah oo labada dhinac ay kasoo saareen dagaalka, iyadoo wali dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo goobihii ay ku dirireen labada dhinac.

Si kastaba, Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo dagaalkan socdo mudo ka badan laba bilood ay ku geeriyoodeen kudhowaad 500 ruux, halka inkabadan kun qof ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More