Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Shabaab oo ka socdo gobolka Mudug

Dec 20 (Jowhar.com)-War goordhow naga soo gaaray gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka socdo deegaano ka tirsan gobolka Mudug, kaasoo u dhexeeya ciidamadda dowladda iyo koxoda Al-Shabaab.

wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in si gaar ah dagaalka uu uga socdo Buurta Yackoos oo u dhaxeysa Caad iyo Camaara, halkaasoo la maqlayo rasaas culus, waxeyna dadka deegaanka kusoo warramayaan in mararka qaar la maqlayo qaraxyo culus.

saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in duulaan dhowr jiho ah ay ku qaadeen deegaan ay isku uruursanayeen xubno Shabaab ah oo damacsanaa in weerar cag marin ah ay kusoo qaadaan ciidamadda amaanka.

xaalada ayaa haatan ah mid si aad ah u kacsan, si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka, maadaama rasaasta wali ay dhaceyso.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ay ku xooganaayeen Shabaab, balse laga qabsaday saldhigoodii ugu weynaa ee Xarardheere, iyagoo ka samri la’ ayey dhowr jeer duulaano culeys lagu saarayo ciidamada ay soo qaadeen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More