Dagaal ka dhacay xalay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa xalay weeraray saldhig ay ciidamada nabadsugida ku lahaayeen magaalada Dhoobley oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay dadka deegaanka qaarkood u sheegeen saxaafada waxaa dagaalka uu ahaa mid xoog leh oo ka dhashay qasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu la eg yahay khasaaraha, waxaan weli aan ka hadlin dagaalka Saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

Hase yeeshee Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii xalay dhacay ay ku dileen askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland, isla markaana dagaalka ay ku qabsadeen saanado hub ah.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan ciidamada dowlada iyo dilalka qorsheysan tan iyo markii ay bilaabatay bishan November oo loo qorsheeyay inay bilaabato doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More