Dagaal maalintii 2aad ka socda dal Sudan iyo dad badan oo rayid ah oo ku dhintey

Apr. 16 (Jowhar.com)-Dagaalo ba’an oo ka socda guud ahaan dalka Sudan ayaa galay maalintii labaad iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay xiisad u dhaxeysay koox dabley ah iyo ciidamada dalkaasi ay isu bedeleen dagaal.

Goob joogayaal ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa sheegay in dagaalku uu sii xoogeystay salaadii subax ee saaka kadib, waxaana xalay oo dhan la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaal uu ka dhacay meel boqolaal mayl u jirta bariga magaalada Port Sudan

Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen iskahorimaadyada, sida ay sheegeen golaha dhexe ee dhakhaatiirta Suudaan.

Taliyaha ciidamada militariga Sudan Mohamed Hamdan Dagalo ayaa ku andacoonaya inuu qabsaday inta badan xarumaha rasmiga ah ee Khartoum ka dib markii ay isku dhaceen kooxdiisa hubaysan iyo militariga dalkaasi Sabtidii.

“Ciidamada Taageerada Degdegga ah waxay maamulaan in ka badan 90 boqolkiiba goobaha istiraatiijiga ah ee Khartoum,” Dagalo ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Sky News Arabia.

Hogaamiyaha militariga ee dalka, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa beeniyay sheegashada Dagalo, wuxuuna sheegay in militarigu ay gacanta ku hayaan goobaha dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More