Dowladda oo sheegtay in xubo ku dhow Kaba kutukade ay ku dishay Galgaduud

Apr. 16 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahisay howlgal gaar ah oo ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaano ka tiraan gobolka Galgaduud.

Howlgal gaar ah oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ay ka sameeyeen deegaanada Ceel Qansax & Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu qaarajiyay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, Cartan iley oo ahaa Gacan-yaraha gudoomiyaha Shabaab ee Galgaduud Yuusuf Koba kutukade ayaa lagu dilay howlgalka.

Sidoo kale Ciidanku waxaa ay burburiyeen Saldhigyadii Kooxda Al-Shabaab ee deegaanadaas.

Horjooge Daahir Calasoow oo dhibaato xoogan ka geeystay Gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaan gaarka ah .

Majirto wax war ah oo Shabaab ay kaso saartay khasaarahan dowladda ay sheegtay iney ku gaarsiisay howlgalka ka dhacay Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More