Dagaal xoog leh oo ka socda magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhex qarxay ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley.

Maleeshiyaad ka tirsan Macawisleyda ayaa la sheegay inay weerareen bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed magaalada Jowhar.

Rasaas xoog leh iyo qaraxyo ayaa laga maqlay goordhow dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar gaar ahaan halka loo yaqaan Badda Cas.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa u sheegay jowhar,com in dableyda macawisleyda ay doonayaan inay xoog ku sii daayaan rag ka tirsan kooxdaas oo u xiran maamulka Hirshabelle.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo ka dhaca magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More