Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya tallaalka COVID-19 dalka Soomaaliya

Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa gacan ka geysaneysa soo-iibinta qalabka qaboojinta tallaalka/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka/gacan-ku-haynta qalabka CCE. Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa’iideysan doonaan qaaraankan.

“Japan ayaa gacan ka geysaneysey sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo bixineysey barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad,” ayaa uu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya. “Japan ayaa hadda ay ka go’an tahay gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisey qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX. Ilaa maanta, Soomaaliya waxaa ay 300,000 oo xabbo oo ah qiyaasta mar la qaato ee tallaalka ah ka heshey tas-hiilaadkan. Haseyeeshee wax micno ah ma sameysneyso in keliya la helo tallaalka haddii aanu dalku haysan qalabka qaboojinta tallaalka oo ku filan, waana taas sababta aan u go’aansaney in aan bixinno deeqdan degdegga ah si loo hubiyo in si siman tallaalka looga helo looguna qaybiyo Soomaaliya gudaheeda. Japan ayaa go’aansatey in ay cid kale ay wada-martigeliyaan Shar-madaxeedka Tallaalka ee dhacaya 2da Juunyo waxaana hubaa in aan sii wadi doonno gacan-ka-geysashada dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah COVID-19 taas oo ay ka mid tahay sii wanaajinta helidda tallaalka.”

Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka. Marka laga yimaado hubinta in la helo qaboojiyeyaasha tallaalka oo dad filan iyo maareynta tallaalka, UNICEF, oo ay iskaashanayaan WHO, ayaa sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka lagu tababaro sida si bedqab uu ku dheehan yahay loogu maamulayo tallaalka, korjoogteynta ka-faa’iideysiga tallaalka iyo isla-xisaabtanka iyada oo loo marayo maareynta iyo ka soo-warbixinta keydka.

UNICEF waxaa ay sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadaneysaa tababaridda iyo hawlgelinta abaabulaayaasha bulshada si ay bulshooyinka ugu wacyigeliyaan qiimaha iyo waxtarka tallaalka iyo si ay sidoo kale u xoojiyaan muhiimadda ay leedahay ku sii dhaqmidda tallaabooyinka looga hortago COVID-19.

“UNICEF waxaa Dowladda Japan iyo dadka reer Japan ay mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya,” ayaa uu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.

“Taageeradan keliya ma kaabi doonto dadaallada Soomaaliya ay kula dagaallameyso COVID-19, ee waxaa ay sidoo kale gacan ka geysaneysaa xoojinta nidaamyada caafimaadka ee muddada fog taas oo tallaabo muhiim ah u ah xaqiijinta in la wada helo adeegyada caafimaadka (Caymiska Guud ee Caafimaadka/Universal Health Coverage.)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More