Dagaalkii ugu xoogganaa oo ka socda Laascaanood iyo gaadiid laga qabsaday Somaliland

Feb. 25 (Jowhar.com)-Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Laascaanood, dagaal aad u xooggan ayaa kasocda labo jiho oo kala ah barriga iyo Galbeedka magaalada, kaas oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland.

Dhinaca galbeed-ka waa jiho cusub oo aan maalmihii lasoo dhaafay lagu dagaalamin, laakiin maanta lagu dagaalamayo, labada dhinacba, sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo.

Dagaalka maanta oo ah kii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca xarunta gobolka Sool ayaa waxaa si toos ah ugu soo biiray taliyaha ciidanka Somaliand ee gobolkan, kaasoo maalmihii la soo dhaafay wadahadalo la lahaa Odayaasha SSC.

Mid kamid ah saldhigyadii ciidan ee uu kusugnaa taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool Jen, Mahad Cambaashe oo kasoo jeeday gobalkan, ayaa ka baxay gacantiisa, sidaas oo kale baabuurta Gaashaaman ee dagaalka ayaa looga qabsaday xeradan.

Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkan ayaa sheegtay in weerar ciidankeeda lagu soo qaaday, iyadoo ku eedeysay weerarkan kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is kaashanaya.

Somaliland, waxay sheegtay in ay xabadjoojintii ay ku dhawaaqday ay ilaalinayso, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la xaqiijinayo in ay duulaankan qorsheynaysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More