Deni iyo Axmed Madoobe oo caawa ku kulmay Muqdisho

May 11 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan ay albaabada u xirnaayeen oo caawa magaalada Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Sida wararku sheegayaan, kulankan oo casuumaadiisa uu fidiyay Deni oo u sharaxan xilka madaxweynaha ayaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka si gaar ay arrimaha doorashada madaxweyne ee loo balansan yahay 15-ka bishan.

“Waxaa caawa booqasho noogu yimi oo aan kulan wada qaadanay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaaladda dalka” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga Siciid Deni ee Facebook.

Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inuu dooqa koowaad ee musharixiinta u yahay Siciid Deni, walow uu heysto dooq labaad oo xildhibaanada ka soo baxday Jubaland uu doonayo iney u soo saaraan, waa hadii Deni uu soo dhaafi waayo wareega koowaad ee codeynta oo ay ka gudbi doonaan afarta musharax ee ugu sareysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More