Deni oo bedelay mowqifkiisii Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamse.

July 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay cilaaqaadka madaxweyne Xasan yo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barro, xili la hadal hayay inuu jiro khilaaf kala dhexeeyo dowladda cusub.

Madaxweynaha ayaa si cad wuxuu u balanqaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub Xamsa Cabdi Barre kaasoo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro oo tayo leh.

“Waxaan caddayanaya in aan la shaqaynayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Federaalka, Dowladda Muqdisho,” ayuu carabka ku adkeeyay madaxwayne Saciid Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhinaca kale sheegay inaanu jirin wax shalaay ah uu ka qabo ololihii cuslaa uu u galay xilka madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha uu soo waayay, isagoo wixii dhacay kus oo koobay Qadar dhanka Alle ka yimid.

“Wixii dhacay ka shallaayi-meyno iskuna canaanan mayno Qaddar Eebbe ayey ahayd duruufahaas kala duwan ee lasoo maray,Dowladdeennu waxay wali gaabis ka tahay adeeggii loo geysan lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala sameyn magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Jubbaland, isagoo walaac ka muujiyey arrintaasi, Wuxuuna ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa doorashadii uu Xasan Sheekh ku soo baxay 15-kii May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More