Deni oo dowladda Norwey kala hadlay iney taageeraan arrin siyaasiyiin badan ka diidan yihiin.

Dec. 01 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay habka foggaan araga ee “Zoom”-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway
Ole Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Amb. Haakon Svane.

Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Puntland iyo Mashaariicda horumarin.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageeradooda ku aadan hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Mashaariicda horumarin ee ay Dowladda Norway ka taageerto Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More