Deni oo kulan xasaasi ah la yeelanayo xildhibaanada iyo Warbaahinta oo loo diiday.

June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah kulan gaara la leh xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulankan uu ku soo aaday xili xasaasi ah oo khilaafaad uu hareeyay maamulkaas.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mudanayaasha ku wargeliyay iney si deg deg ah ku soo xaadiraan fadhigan oo ku yimid dalab dhinaca madaxweynaha, isagoo warbixino ka siin doona shaqooyinka xukuumadiisa iyo xaalada guud ee deegaanada maamulkiisa, kulanka kadib laba dhinac ayaa Qado ui sameeyay Deni wada yeelan doona.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in kulanka diirada lagu saari doono sidii hoos loogu dhigi lahaa guuxa ku aadan mooshin ay wadaan xildhibaano tira badan kaasoo ay ku dalbanayaan iney kula xisaabtamaan xukuumada Deni oo ay u arkaan iney gabtay dhamaan shaqooyinkii loo igmaday, iyadoo xafiisyada wasiirada ay yihiin kuwo iska xiran.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili wali uu jiro khilaafka Deni kala dhexeeya kuxigeenkiisa Axmed Karaash, lama oga in kulankan lagu soo qaadi doono, waxaana gudaha Puntland laga hadal hayaa iney u muuqato in Deni ama Karaash mid uu ku bixi doono kulamada gaar gaarka ah ee ka socda magaalada Garoowe ee lala yeelanayo xildhibaanada Puntlad.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More