Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka doorashada Puntland

Nov 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magacaabay Guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka madaxtooyada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 62 ee 27 November 2023, kuna Saabsan magacaabid Guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.

Markuu la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka DPL.

Markuu la tashaday: Guddoonka Golaha Wakiillada DPL.

Markuu la tashaday: xisbiyada siyaasada DPL.

Markuu tixgeliyey talo soo jeedinta bulshada qayba-heeda kala duwan,

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan Xubin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More