Deni oo afar qodob kala hadlay safiirka Ingiriiska Kate Foster.

Dec. 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka waxaa looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Puntland kusoo fool leh, dhaqaalaha iyo Mashaariicda horumarin ee dowladda Imgiriiska ay ka fuliso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Deni lagala hadlay diidmada uu kala horyimid inuu saxiixo labadii qodob ee ugu xasaasisanaa ee looga hadlay shirkii wadatashiga qaran, iyadoo la soo saaray war-muetiyeed ay Puntland ka maqan tahay.

Si kastaba, Deni waxaa ku wehlinayay kulankan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More