Deni oo xilkii ka qaaday sarkaalka diidanaa doorashada iyo furitaanka dastuurka Puntland

June. 25 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday taliyihii gadoodsanaa ee ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab Kornayl Jimcaale Jaamac Takar.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in xilkaasi loo magacaabay G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire oo kamid ahaa saraakiishii lasoo shaqeysay taliyaha la bedelay.

Majirto wali wax war oo arrintan uu kasoo saaray Kornayl Jimcaale Jaamac Takar, iyadoo aan la ogeyn inuu aqbali doono xil ka qaadistan iyo inkale, wallow maalmihii lasoo dhaafay uu sheeganayay iney yihiin ciidan madax banana.

Dhammaan tallaabooyinkan aya kusoo aadayo, ayada oo Puntland haatan ay wajaheyso xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo shaki ka qabaan mucaaradka.

Kornayl Jimcaale ayaa ah sarkaalka hoggaaminaya ciidamada mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada iyo furitaanka dastuurka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More