DFS iyo maamul goboleedyada oo shir deg deg ah isugu imanayo Muqdisho.

Oct. 24 (Jowhar.com) -Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg deg ah isugu imanayo magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, shirkan oo ay marti galisay madaxtooyada waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamulada; Puntland, Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, kuwaasoo dhamaantood la gaarsiiyay casuumadda ka qeyb galka shirkan.

27-ka bishan October oo ku beegan maalinimada Khamiista ah ayaa la filayaa inuu shirkan ka furmo xarunta madaxtooyada ee Villa Sooomaaliya, wali si rasmi ah looma shaacin mudada uu soconayo shirkan iyo waxa xiligan ku soo beegay.

Arrimaha diirada lagu saarayo waxaa qeyb ka ah dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo haatan ku kooban oo kaliya Hirshabelle, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo maamulada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xalinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka oo ay dowladdan cusub faraha la gashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More