Dhakhaatiirta gobolka Mudug oo kudhawaaqay shaqo joojin 3 cisho ah

Sep 10 (Jowhar.com)-Dhakhaatiirta Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin mudo saddex maalmood ah, kadib markii ay dhigeen isu soo baxay ay uga xunyihiin dil loo gaystay shalay Dr. Zakariye Cabdi Jaamac oo gacan ka xaqdaran Galkacyo ku dishay.

 

Qaybo ka mid ah Isbitaalada Gaalkacyo Dhanka Puntland ayaa albaabada la isugu laabay, balse waxaa sii shaqayn doona qaybaha loogu adeego bukaanada jiifa iyo dadka la soo kulma  xaaladaha deg degga ah.

Dr Sakariye Cabdi Jaamac, oo ahaa dhaqtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda, ayaa xalay lagu dilay isagoo ku sugnaa xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.

Muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta lagu dilay, ayaa lagu arkayay, askari hubaysan oo gudaha u galay xarunta, kaddibna xabbad la dhacay dhaqtarka.

Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dialka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More