Dhimashada diyaaradii ku burburtay dalka Nepal oo gaartay 67 qof

Jan. 15 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay markii ay diyaaradi ku burburtay gobolka Pokhara ee dalka Nepal, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka duulista hawada, waana shilkii ugu xumaa muddo ku dhow 30 sano ah oo ka dhaca dalka yar ee ku yaalla gobolka Himalaya.

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa ku sugan goobta ay ku dhacday diyaaradda Yeti Airlines oo siday 72 qof, waxaana ay ka soo duushay caasimadda Kathmandu. Afhayeenka hay’adda maamulka hawada Jagannath Niroula ayaa sheegay in cimiladu ay wanaagsaneyd.

TV maxalli ah ayaa baahiyay muuqaalka shaqaalaha gurmadka degdega ah oo ku sugan qeybo ka mid ah diyaaradda burburtay. Dhulka u dhow goobta ay diyaaraddu ku burburtay ayaa gubtay.

“Diyaaraddu waa ay gubanaysaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo lagu magacaabo Ajay K.C., isagoo intaasi ku daray in shaqaalaha gurmadka ay ku adkaatay in ay gaaraan goobta ay ku dhacday oo ku taalla meel u dhexeysa laba buurood oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladan loo dalxiiska tago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More