Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Mar. 09 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shil gaari oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac ruux kale uu ka dhacay degmada Kaaraan ee gooblka Banaadir.

Wararka la helayo ayaa intaasi kuasi daraya in shilkan uu dhaliyay dhimashada laba qof iyo dhaawaca hal qof, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee qofka dhaawaca ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in gaariga dadka laayay ay leheyd shirkadda Hormuud wuxuuna siday qalab birro ah oo aad u culus Waxa uuna dulmaray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen saddex ruux.

Dadka dhintay ayaa aad u go’go’ay Waxaana adkaatay in dadka iyo mootada laga soo saaro gaariga hoostiisa, sida dad goob joogayaal ah ay ku warameen.

Ciidamadda amaanka oo durba gaaray goobta ayaa gacaanta ku dhigay wadihii gaariga dhibka geystay, kaasoo xabsiga loo taxaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More