Diiwaan gelinta musharixiinta madaxweyne oo maanta ka bilaabaneyso Muqdisho

May 08 (Jowhar.com)–Guddiga isku dhafka ah ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabayo diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo la soo bandhigay shuruudaha laga rabo musharaxa madaxweyne.

Diiwaan gelinta musharixiinta ayaa socon doonta ilaa 10-ka bishan oo ku beegan maalinimada Talaadada ah, waxeyna guddiga shalay soo bandhiggeen sawirrada goobta ay ka dhaceyso diiwaan gelinta oo ah xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxa u taagan xilka madaxweynaha waxaa laga doonayaa inuu bxiyo lacag $40,000 (Afartan Kun oo Doolar) iyo inuu heysto saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan musharaxnimadiisa, sida ay shacaiyeen guddiga doorashada.

Maalinimada Axada ee todobaadka danbe oo taariikhdu tahay 15-ka bishan ayaa la qabanayaa doorashada oo ay u tartamayaan kudhowaad 20 musharax, iyadoo doorashadan ay ka adag tahay tii 20017, taasoo laga dheehan karo qiimaha codadka looga iibsanayo mudanayaasha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More