Dilal aano qabiil oo ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaua deegaanka Garasle ee ka tirsan degmada Balanballe gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in lagu diley deegaankaas saddex ruux oo mid ka mid ah ay tahay haween.

Dilka dadkan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen koox maleeshiyo beeleed ah oo soo weerartay guryo ay degenaayeen dadka la diley.

Sadexda ruux ee dhimatay ayaa kala ah laba wiil oo walalo ah halka gabadhana ay abti u ahaayeen.

Kooxda ka dambeysay falkan ayaa baxsaday waxaana la geyey meydadka saddexdan ruux degmada Balanballe.

Falkan ayaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyeen dad ka soo jeeda degmada Guriceel oo labo habeen ka hor lagu diley dad badan.

Dilalka aanada qabiil ayaa weli waxaa ay ka sii jirta deegaano badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud iyadoo sanad walba ay dad badan ugu geeriyoodeen falalka la xiriira aargoosi qabiil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More