Diyaarad siday dhaawacyada Ismiidaamintii Laasgacameey oo soo gaartay Muqdisho

Sep 15 (Jowhar.com)- Diyaarad kuwa caafimaadka degdeg ah oo siday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, Senator Cabdi Qaybdiid iyo lix oo kale ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde.

Qaraxa saakay ayaa sababay dhaawacyo fudud oo ahaa dhismaha guriga iyo jiingadaha saarnaa.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa qaraxa ka dib muuqaal uu soo duubay kaga hadlay badqabka mas’uuliyiin uu ku jiray asaga Waxa uuna sheegay in ay nabad qabaan.

Qoor Qoor, ayaa sheegay in dagaalka uu socon doono.

Majiraan ila madax banaan oo sheegi kara in wax soo gaareen madaxweynaha iyo inkale, burburka ayaase sababay dhaawacyo aan cuslayn oo soo gaaray dadka ka dhawaa goobta sida uu VOA u sheegay in xildhbaan Dhabancad oo asaga naftiisa wax soo gaareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More