Diyaaradaha Mareykanka oo dad shacab ah ku laayay duqeyn ka dhacday Sh.Hoose.

Sept. 10 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaarasaha aan duuliyaja leheyn ee Mareykanka ay la geysteen gobolka Sh.Hoose, iyadoo duqeyntaasi dad shacab ahaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.

Duqeynta oo dhacday Jimcihii shalay ayaa lala eegtay beer ku taala deegaanka Mubaarak Ee Degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku shirsanaayeen dad u badan gaadiidley ka dhex shaqeysata gobolada Banaadir iyo Sh.Hoose.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta Dalsan ee magaalada Muqdisho u sheegay in weerarkan uu sababay dhimashada Shan ruux iyo dhaawaca toban qof oo kale oo shacab ah, iyadoo dadka dhaawacyada ah oo qaarkood xaaladooda ay adag tahay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Duqeyn tan lamid ah oo sanadkii hore ka dhacday deegaanka Daaru Salaam ee isla degmada Awdheegle ayaa lagu dilay saddex qof oo walaalo ahaa, iyadoo Mareykanka dhowr jeer oo hore looga digay beegsiga dadka shacabka ah.

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa bishii May ee sanadan ciidamada Mareykanka ee dib dalka loogu soo celiyay uga digtay iney duqeymohooda ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah, iyadoo walaacii ay qabeen durba ay soo shaac baxeen, maadaama diyaaradaha Mareylanka ay shavab ku laayeen Sh.Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More