Dood adag oo hareysay kulankii u horeeyay xildhibaanada golaha shacabka

April 16 (Jowhar.com) Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa ka furnay kulankii u horeeyay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad, iyadoo mudanayaasha loo qeybiyay ajendayaasha kulankooda maanta.

Sida wararku sheegayaan, dood adag ayaa hareysay kulanka maanta, iyadoo Xildhibaanada diideen soo jeedinta guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka taas oo ahayd magacaabista 10 xubnood oo noqonaya guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Sida wararku tilmaamayaan, Dood dheer ka dib waxaa la isku afgartay in beel walbo ay 2 xubnood iska soo xusho ka dibna guddoomiyaha u soo gudbiyaan mudo saacad gudaheeda ah, si loo meel mariyo.

Kulanka maanta waxaa gudoominaya Gudoomiyaha KMG-ka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Xaaji Liibaan (Dhabancad), waxaana xarunta lagu dhaariyay xildhibaano uu kamid yahay taliyihii ciidanka asluubta Jeneraal Mahad C/raxmaan oo loo yaqaano taliye Shub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More