Doorashada Afar kursi oo maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada afar kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Afartan kursi oo mid kamid ah ay dumar u tartamayaan ayaa waxaa lagu wadaa inay ku soo baxaan xildhibaano cusub maadaama aysan ka mid ahayn musharaxiinta xildhibaanadii afartii sano ee la soo dhaafay kuraastan ku fadhiday.

Kursiga HOP#064 ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiday Sahro Cumar Maalin, hase yeeshee waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah Mohamed Ibrahim Cali (Mohamed Cajiib) iyo Cabdullahi Iimaan Afrax.

Kursiga HOP096, waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdicasiis Cilmi Cali balse waxaa maanta ku tartamaya Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali.

Kursiga HOP248 ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon, hase yeeshee waxaa ku tartamaya kursigan Saadaq Cumar Xasan iyo Cabdullahi Xirsi Diirshe.

Kursiga HOP#089 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac balse waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah

1- Yaasiin Cabdi Jaamac
2- Qaasim Cabdikariin Cilmiseed
3- Baar Maxamed Raage
Doorashada afartan kursi ee maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ayaa la aaminsan yahay in la sii og yahay afarta xildhibaan ee ku soo baxaysa oo tartan adag ka dhici doonin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More