Wasiirka Arrimaha Dibbada dalka Qadar oo maanta booqasho ku tegeya dalka Iran

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa la filayaa inuu u safro Tehraan Khamiista maanta ah si uu arrimaha gobolka ugala hadlo mas’uuliyiinta ugu sarreysa Iran.

Safarka ayaa yimid ka dib markii Al Thani, oo sidoo kale ah ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar, uu Talaadadii wadahadal telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amirabdollahian.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Qatar ee QNA, labada diblumaasi waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka labada dal, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyo kala duwan. Waxay sidoo kale ka wadahadleen isbeddelladii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha khuseeya labada dhinac.

Horaantii bishan, Amirabdollahian waxa uu booqday caasimadda Qatar ee Dooxa isagoo wadahadallo heer sare ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar iyo sidoo kale Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Waqtigaas, waxay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Vienna, halkaas oo ay ka socdaan wada xaajoodyo lagu soo celinayo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee quwadaha adduunka iyada oo la qaadayo cunaqabateynta Mareykanka iyo dib u dhigista barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Booqashada uu ku tegayo Wasiirka Arrimaha Dibbada Qadar dalka Iran ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli uu ka curanayo dagaal cusub oo ka socda Yemen.
Todobaadyadii la soo dhaafay, fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa dhowr gantaal ku soo riday dhanka Imaaraadka Carabta. Imaaraadku waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaamiyo ee taageeraya dawladda Yemen.

Colaadda ayaa waxaa ilaa hadda ku dhintey tobanaan kun oo ruux,iyadoo ay ku barakeen malaayiin kale, waxaana ay dhaliyeen waxa Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in arrimahan ay ka mid noqon doonaan kuwa ku saabsan ajandaha shirka soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More