Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo todobaadkan ka dhacaya Muqdisho

Waxaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo diiwaan gelinta doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo todobaadkan gudihiisa ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

11-kursi ayaa laga soo dooranayaa xubnaha Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matala Aqalka Sare, waxaana doorashada ka dhici doontaa Teendhada Afisyooni.

Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa dhigaya in doorashada ay bilaaban doonto 28-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada, kuna eg 30-ka bishan oo ah maalinta Khamiista.

Musharaxiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ayaa waxaa soo dooranaya illaa 46 xubnood oo isugu jirta 23 oday dhaqameedyada Gobolada Waqooyi ee ka tirsan 135-ta Oday iyo 23 xubnood oo bulshada gobolada waqooyi ah.

Doorashadan Gobolada Waqooyi ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, iyadoo uu maamulayo Guddiga Maamulka doorashada heer deegaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa si wadajir ah doorashada u maamulaya, kaddib markii dhowaan ay heshiis ka gaareen caqabadihii ka jiray dhexdooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More