Wararkii u dambeeyay muran ka taagan kursi ka tirsan Aqalka Sare oo doorashadiisa fowdo hareysay

Iyadoo 18-kii bishan uu buuq iyo fowdo hareeyay doorashada kursi ka tirsan Aqalka Sare ee doorashadiisa ka dhaceysay magaalada Jowhar ayaa waxaa isa soo taraya muranka ka taagan doorashada kursigaas.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ka dhashay buuq, kaddib markii Xildhibaano taageersan Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ay buuq iyo fowdo bilaabeen markii ay dhamaatay tirinta cododka wareegga koowaad.

Buuqa iyo fowdada kursigaas hareysay ayaa sababay in Guddoonka Baarlamaanka uu hakiyo doorshada wareegga xiga, waxaana la sheegay in Xildhibaannada buuqa kiciyay ay wateen musharax ka mid ah saddexda musharax ee ugu cododka badnaa, gaar ahaan Musharaxii kaalinta saddexaad galay.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa la sheegay in arrintan isku maandhaafeen, iyadoo Madaxweyne kuxigeenka uu doonayay in Musharaxa uu wato loo soo saaro.

Isbaheysiga ugu weyn ee ka dhex jira baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxay taabacsan yihiin Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed uu ku dhaliilay Madaxweynaha iyo isbaheysigiisa inay balanta uga baxeen oo Musharaxii uu watay mid aan aheyn loo codeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dadaalo lagu xalinayo muranka ka taagan doorashada labada kursi ee ka haray kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle ayaa labadii habeen ee u dambeeyay socday, waxaana la sheegayaa in maalinta berri oo Axad ah ay u badna tahay in la qabto doorashada labada kursi, maadaama horay loo doortay lix kursi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More