Doorashada gudoomiye xigeenada golaha shacabka oo maanta la qabanayo

April 28(Jowhar.com)- Magaalada Muqdisho waxaa ka socota diyaar garowgii u danbeeyay ee loogu jiro doorashada gudoomiye xigeenada koowaad iyo labaad golaha shacabka baarlamaanka 11-aad, iyadoo doorashada lagu qabanayo gudaha teendhada Afisyooni.

Ilaa iyo 13 musharax ayaa u taagan xilalkan oo midi Haweeney tahay, iyadoo musharixiinta ay loolankoodii u danbeeyay ay ka dhex wadaan xildhibaanada, si ay codkooda u siiyaan.

Waxaa xusid mudan in codeynta aysan ka qeyb gali doonin 16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaaq, sababo ku aadan khilaafka hareeyay, iyadoo doorashadii xalay ay korjoogto oo kaliya ka ahaayeen, balse wax codad ah meysan dhiiban.

Gudoomiye Xigeenka koowaad waxaa u sharaxan.

1: Maxamad Cumar Caana nuug
2: Maxamad Cumar Ceymoy
3: Sacdiya Xaaji Yaasiin
4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa
5: Maxamad Cabdiqadir Jeego
6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde
7: Cabdikariin Cabdow Xeydar

Gudoomiye xigeenka labaad waxaa u sharaxan.

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow
2: Mahad Cabdalla Cawad
3: Maxamad Xuseen Abuukar
4: Asad Cabdirisaaq Maxamad
5: Axmad Aadan Axmad
6: Saciid Maxamad Cali

Doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ayaa xalay saqdii dhexe la qabtay, iyadoo wareegii saddexaad oo la isla gaaray uu ku soo baxay Shekh Aadan Madoobe oo ka socday dhinaca mucaaradka, isagoo ka adkaaday musharixii ay wateen Farmaajo, Fahad iyo Lafta Gareen, taasoo banaanka keentay tirada codadka ay heli karaan doorashada madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More