Doorashada mid ka mid ah kuraasta lagu dooranayo Dhuusamareeb oo dib loo dhigey

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa sheegay inay dib u dhigeen doorashada kursi kamid ah kuraasta la qorsheeyay in 12 bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah la qabto.

Qoraal kasoo baxay Guddigan ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka oo la tashi la sameeyay Guddiga heer federaal uu go’aansaday in dib loo dhigo doorashada kursiga Hop#053 kaas oo la dhameystirayo habraacyadiisa.

Guddiga ayaa sheegay in illaa toddobo musharax oo haween ah ay is diiwaangeliyeen ayna qaateen shahaadada musharaxnimo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More